Friday, June 12, 2026
HomeWARARKA SOOMAALIYADoorashooyinka ka dhacaya Afar dal oo ku yaala gobolka iyo su’aalaha ku...

Doorashooyinka ka dhacaya Afar dal oo ku yaala gobolka iyo su’aalaha ku gadaaman.

Lixda bilood ee ugu horreeya 2026 waxaa la filayaa inay doorashooyin ka dhacaan afar waddan oo gobolka ku yaala.

Dalka Uganda waxaa doorashooyin guud loo dareerayaa bisha January ee 2026, dalka Djabouti isna waxay doorashadiisu jadwalysantahay bisha April, dalkeenna Soomaaliya oo ah dalka keli ah ee aan la hubin xilliga saxda ah haddana sharciga iyo daatuurku dalku wuxuu qabaa bisha shanaad ee 2026, halka dalka Ethiopia lagu dhawaaqay in bisha June ay doorashadu dhacayso.

Su’aalaha dul-hoganaya madaxda afarta dal waa kala adagyihiin, tusaale ahaan Madaxweynaha Soomaaliya waxaa sugaya inuu dadka u sharaxo duulaankii Jubbaland iyo jabkii ciidanka xoogga dalka ka soo gaaray, waxaa kale oo ilaa maanta taagan arrinta dhulka oo qoysas gaaraya 142,000 oo qoys ku barakaceen sanad gudihiis sida ay sheegtay hay’adda UN OCHA.

Hoggaamiye walba oo afarta dal ka mid ah, waxaa horyaala su’aalo la rabo inuu ka jawaabo inta uusan dib u doorasho raadsan.

Halkan hoose ka eeg su’aalaha horyaala afarta hoggaamiye ee doorashada isu diyaarinaya.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments