Saturday, June 13, 2026
HomeWARARKA SOOMAALIYAMidowga Jaamacadaha Soomaaliyeed oo cabasho ka ah dooraahada khasabka ah.

Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed oo cabasho ka ah dooraahada khasabka ah.

Midowga Jaamcadaha dalka ee fadhigoodu yahay Caasimadda Muqdisho ayaa cabaaho u diray Wasaaradda Waxbarashada JFS iyo Guddiga Doorashooyinka Madaxa-Banaan, waxayna ku sheegeen qoraalkooda inaysan aqbalayn in si khasab ah lagu isticmaalo xarumaha jaamacadaha oo lagu qabto doorashooyin lagu muransanyahay.

Qoraal faahfaahsan oo ay soo-saareen Midowga Jaamacaduhu ayay ku sheegeen caqabaha tirada badan ee wakhtiga dhow iyo Midka dheer leh ee ka dhalan kara haddii si xoog ah loo isticmaalo xarumaha jaamacadaha.

Gudiga doorashooyinka oo
Kaashanaya wasaaradda Waxbarashada ayaa jaamacaha iyo dugsiyada ku wargeliyay in maalinta 25 December ee loo asteeyay dooraahada in la isticmaalayo xarumaha jaamacadaha iyo dugsiyada waxbarasho.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments